U bood dhigaalka

Askari Qof Shacab Ku Dilay Muqdisho.

Sheeko:Amniga

Waxaa saakay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya wiil dhaliyaro ah ay ku dileen suuqa Siinaay kaas oo lagu magaacaabi jiray  Maxamed Abuukar Tuuryare.

Wararka goobta laga helayo ayaa sheegayo ciidamada  ay marxuumaka toogteen  ka dib markii la sheegay in ay  ka shakiyeen sida ay ku andacoodeen waxaana jiray muran dhex maray.

Ciidamda dowladda oo goobta soo gaaray ayaa  ka qaaday meydka marxuumka manajiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammanka oo ku aadan dilka loo geystay wiilka dhaliyarada ah.

Dhalinyada gobolka Banaadir ayaa inta badan kala kulama dilal kala duwan ciidama dowladda federaalka iyadoo inta badan ciidamadu ku andakoodaan in ay ka shakiyeen.

Goobjoog News