U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo saaka howl gal ay dad ku soo qabteen ka fuliyay degmada Wadajir

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay howl gal dad badan lagu soo qab qabtay ka sameeyay xaadfadaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Wararka ka imaanaya halkaasi ayaa sheegaya in dad u badan dhalinyaro laga soo qabtay qaar ka tirsan xaafadahaas kuwaasi oo baaritaan lagu sameynayo.

Dhalinyarada oo la iskugu geeyay saldhiga degmada Wadajir ayaa la sheegay in halkaasi lagu kala saarayo. Guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax aya dhalinyaradan u sheegay in baaritaanka kadib ay siideynayaan.

Maamulka degmada Wadajir ayaa ujeedka howlgalkan ku micneeyay mid lagu sugayo ammaanka degmada.