U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo saaka howl gal ka wada inta u dhaxeysa Leego iyo Buur hakaba

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saaka hawl galo la sheegay in lagu sugayo ammaanka ka wada inta u dhaxeysa deeganka Leego iyo Buur hakaba ee gobolka Baay.

Guddoomiyaha maamulka deegaankaasi Cabdullaahi Iiday ayaa sheegay in arintan jawaab ay u tahay cabashooyin ka imaanayay wadayaasha gaadiidka ee ku safra dhabaha xiriiraya labada deegaan.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in ay cagta marin doonaan shaqsiyaadka u taagan dhibaateynta dadka wadada ku safra.

Rakaabka iyo wadayaasha isticmaala wadada ayaa in badan ka cawday lacago si sharci darro ah looga qaado iyo falal xun xun oo lagula kaco dadka saran gaadiidka.