U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo sheegay in ay dileen xubna ka tirsan Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Xalfooley oo ku yaalla xadka kala qaybiya gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Howlgalkaan ayaa ciidamada dowladda ay ku guulaysteen in ay dhabaha u galaan kolonyo Shabaab ah oo socdaaleysay, halkaas oo ciidamada ay ku gubeen mid kamid ah gawaaridii ay wateen, sidoo kalena ay ku dileen tobaneeyo ka tirsan Al-shabaab, sida ay sheegeen ciidanka xoogga dalka.

Ciidamada ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Goobjoog News