U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo soo bandhigay xubin ka tirsan Ururka Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Saciid Xuseen Raage oo kamid ahaa ururka Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan deegaanka Furqaan ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ninkan isku soo dhiibay ciidamada ayaa la sheegay in uu u ahaa Al-shabaab Nabaddoon, waxaana uu hadda isku soo dhiibay ciidamada dowladda.

Goobta maanta lagu soo bandhigay isisoo dhiibe Saciid, waxaa goobjoog ahaa Taliyaha Booliska HirShabelle Col. Xasan Dhicis, saraakiil kale iyo Agaasimaha waaxda cansuuraha ee wasaaradda Maaliyadda XFS Muxudiin Xasan Juris.