U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo gaaray tuulooyin hoos yimaada Galgaduud

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud kadib markii ay sheegeen in ay ka baxeen xarakada Al-Shabaab.

Kornel Maxamed Kaariye Caraale oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Galgaduud ayaa u sheegay Goobjoog FM in ay qabsadeen dhowr Tuulo oo ka mid ah deegaanada gobolka Galgaduud qeybta bari.

Korneelka ayaa xusay in tuulooyin badan oo ay ka mid tahay Xawaare badan ay la wareegeen maanta, isla markaana ay ku sii jeedaan deegaano hor leh.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa shalay la wareegay degmada Wabxo oo ka tirsan gobolka Galgaduud.