U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda Zambia oo boob u geystay qaar ka tirsan xawaaladaha Soomaalida

Sheeko:War
Baabuurta booliska Zambia oo sida ganacsato ka tirsan soomaalida Zambia oo ay dhac u geysteen xawaaldahooda
Baabuurta booliska Zambia oo sida ganacsato ka tirsan soomaalida Zambia oo ay dhac u geysteen xawaaladahooda

Ciidamada dowladda Zambia ayaa shalay ilaa maanta boob u geystay xarumaha shirkadaha qaar ka tirsan xawaaladaha Soomaalida ee ku yaalla dalkaas.

Caydiid Axmed Muxumed oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Zambia ayaa u sheegay Goobjoog FM in ciidamada dowladda ay ahaayeen kooxdan dhaca u geysatay ganacsiga soomaalida ee dalkaas.

Waxa uu intaasi ku daray Caydiid in sidoo kale dad ganacsato u badan ay xabsiga dhigeen ciidanka Zambia iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa arrintaasi. Ma jirto war ka soo baxay dowladda Zambia oo ku saabsan dhacdadan lagula kacay ganacsatada Soomaalida ee ku sugan dalkaas.

Ganacsatada soomaalida ee ku dhaqan wadamo ka tirsan qaarada Afrika ayaa kala kulma mararka qaar dalalka ay ku noolyihiin dhac ay u geystaan burcad hubeysan iyo ciidamada dowladda. Soomaalida Zambia ayaa welwel ka muujiyay in Zambia ay noqto sida Koofur Afrika oo noqotay meel ku caan baxday dhaca iyo dhibaateynta ganacsatada Soomaalida.

Ma jirto cid isku xil qaantay ilaalinta xuquuqda Soomaalida ku nool dalalka ay ka mid tahay Zambia xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dhowaan ku dhawaaqday in ay yareyneyso safaaradaha Soomaaliya ee ku yaalla qaar ka tirsan dalalka caalamka.