U bood dhigaalka

Ciidamada Dwladda Federaalka Iyo Kuwa Itoobiya Oo Faarujiyey Deegaanka Ceel-cali, Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel-cali ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhow ay halkaasi isaga baxeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

Aadan Calasow oo kamid ah mas’uuliyiinta maamulka deegaanka Ceel-cali ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay bannaanka uga baxeen deegaankaasi.

Waxa uu tilmaamay Calasow in tani ay tahay xeelad dagaal, islamarkaana laga yaabo in saacadaha soo aadan ay halkaasi dib ugu laabtaan.

Dhanka kale warar ka imaanaya deegaanka Ceel-cali ayaa tilmaamaya in markii ciidankan is garabsanaya ay faarujiyeen ay halkaasi kusoo dowaadeen Xarakada Al-shabaab.

Habeenkii xalay ahaa Al-shabaab ayaa madaafiic ku weerartay xero ay ciidanka Itoobiya ku lahaayeen deegaanka Ceel-cali ee gobolka Hiiraan.

Goobjoog News