U bood dhigaalka

Ciidamada Galmudug Iyo Maleeshiyaad Isbaaro Dhiganayey Oo Ku Dagaallamay Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in duleedka magaaladaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Galmudug iyo Maleeshiyaad la sheegay in halkaasi Isbaaro u taallay.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa la sheegay in Isbaaro ay u taallay waddo kabaxda magaalada Gaalkacyo islamarkaana aadda dhanka Gelinsoor gaar ahaan duleedka Gaalkacyo.

Inta la xaqiijiyey Labo qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa dagaalkaasi ku geeriyootay Shan kalena dhaawac ayaa soo gaaray sida uu soo sheegayo wariyaheena magaalada Gaalkacyo Cali Nuur Cayn.

Ciidamada Galmudug ayaa gacanta ku haya halkii lagu dagaallamay, waxaana la maqlayaa rasaas weli dhacaysa.

Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Gaalkacyo ee Galmudug weli kama aanay hadal dagaalkaan dhacay.

30-ka bishii April 2016 kulan ka dhacay magaalada Gaalkacyo isuguna yimaadeen hay’adaha ammaanka Galmudug iyo Waxgaradka gobolka Mudug ayaa lagu go’aamiyey in la qaado dhammaan Isbaarooyinka yaalla wadada isku xirta magaalada Gaalkacyo iyo Gelinsoor (Halkaan ka akhriso)

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News