U bood dhigaalka

Ciidamada Galmudug Oo Howlagallo Dad Lagu Qabqabtay Ka Sameeyay Deegaaka Godinlabe Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ayaa howlgallo ballaaran waxa ay ka sameeyeen deegaanka Godinlabe ee gobalka Galgaduud, halkaasi oo lagu soo qabqabtay tiro dhalinyaro ah.

Dhalinyarada ay soo qabteen ciidamadaan ayaa la sheegay in halkaasi ay isku abaabulayeen, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Ahlu-sunna Waljameeca.

Cabdiyare Macalin oo ah gudoomiyaha deegaanka Godinlabe oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay howlgalka ciidamada ay sameeyeen, islamarkaana ay ka warhayeen qorshaha abaabulka ah ee ka socday deegaankaasi.

Tirada dhallinyarada ay gacanta ku hayaan hadda ayuu sheegay in ay yihiin 4, sidoo kalena ay ku raad joogaan kuwo kale.

“Dhalinyaro la qalday ayaa waxay sameeyeen amni darro, waxay ahaayeen kuwo deegaanka ka tirsan, waxa ay wadeen abaabul laakiinse markii laga war helay qorshahaasi ayaa laga hortagay” ayuu yiri gudoomiyaha.

Illaa iyo haatan ma jirto cid ka madax banaan maamulka Galmudug oo xaqiijisay in dhalinyarada ay xireen ka mid yihiin Ahlu-sunna Waljameeca, islamarkaana Godinlabe ay ka wadeen abaabul ciidan.

Goobjoog News