U bood dhigaalka

Ciidamada Galmudug Oo Howlgallo Dad Badan Lagu Soo Qabtay Ka Sameeyay Mudug Iyo Galgaduud

Sheeko:Dalka

Taliska Booliiska Galmudug ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal ay ciidamada maamulkaasi ka sameeyeen deegaanno ka mid ah gobalada Mudug iyo Galgaduud, kaasi oo dad badan lagu soo qabqabtay.

Taliye ku xigeenka Booliiska Galmudug Cabdi Jaamac Xabeeb oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in howlgaladaan ay ahaayeen kuwo laga sameeyay degmooyinka badan, lana soo qabtay dad nabad darri ku howlanaa waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ciidamada Booliiska ee jooga saldhigyada Gelinsoor, Bandiiradley iyo Gaalkacyo ayuu sheegay in ay sameeyeen howlgallo amni xaqiijin ah, ayna ciidankaasi ku baxeen deegaanno badan.

“Ciidanka saldhigga Gelinsoor waxa uu 14-kii bishaan howlgallo kasoo sameeyeen deegaanno badan oo dhibaato ka jirtay, dad bay soo xirxireen amniga hadda wuu hagaagay, dhinaca kale Bandiiradley ciidankii joogay 13-kii bishaan waxay gacanta ku dhigeen rag haween kufsaday ka dib howlgal ay sameeyeen” ayuu yiri Taliyaha.

Taliye ku xigeenka Booliiska Galmudug ayaan sheegin tirada rasmiga ah ee dadka howlgalkaan ay kusoo qabteen, balse waxa uu sheegay in wada shaqeyn ay kala dhaxeyso dadka shacabka ah.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa ciidamada Booliiska Galmudug waxa ay howlgallo ballaaran ka wadeen deegaanno ka mid ah gobalada Mudug iyo Galgaduud, iyadoo dad badan lagu soo qabtay howlgalladaasi.

Goobjoog News