U bood dhigaalka

Ciidamada huwanta oo dagaal la'aan kula wareegay deegaano ka tirsan Galgaduud

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa gudaha u galay duhurnimadii maanta deeegaanada Ceel Garas iyo Ceel la helay kadib ka bixitaankii Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Ceel buur Nuur Xasan Guutaale  ayaa u xaqiijiyay Goobjoog FM in ciidanka dowladda ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanadaas.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ku nool deegaanada Ceel Garas iyo Ceel la helay.

Ma jirto wax iska caabin ah oo ay la kulmeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM xilliga ay gudaha u gaeen deegaanadaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii tagtay ku dhawaaqday howl gal ay ugu magac dartay badwaynta Hindiya, kaas oo ay sheegtay in ay gobolada koofureed kaga sifayn doonto xarakada Al-shabaab.

Ciidanka dowladda ayaa shalay si nabad ah kula wareegay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, iyada oo ay hore gacanta ugu dhigeen degmooyinka Buulo mareer iyo Kunturwaareey ee gobolka SHabeellaha hoose.