U bood dhigaalka

Ciidamada Itoobiya Oo Dad Shacab Ah Ku Dilay Galgaduud

Sheeko:Dalka

Nabadoon Cali Faarax Kheyre oo la soo xiriiray Goobjoog FM wuxuu sheegay in Afar Qof ay ciidanka Itoobiya ku dileen deegaanka Ceel Qooxle oo u dhow Degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud.

Afarta nin ee ay dileen ciidanka Itoobiya ayuu sheegay in Labo kamid ah ay ahaayeen Macallimiinta deegaanka, dadkana salaadda tujin jiray, wuxuuna intaas ku daray in nin kalena ay dhaawaceen.

Oday  Kheyre ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay xireen 11 odayaasha deegaanka kamid ah oo aan la garanaynin sababta ka dambeysa xarigooda.

Wuxuu sidoo kale nabadoonkaan sheegay in aysan aqoonsan weli waxa Itoobiya ay usameynayso dilalkani oo dadka shacabka ahi baqdin ku beeray.

“Ciidamada Itoobiya ayaa dishay Afar Qof oo Laba ka mid ah Macallimiin ahaayeen, ciidamada itoobiya ayaa aroortii soo weeraray deegaanka, uljeedka ay u dileenna lama garanayo, deegaanka Al-shabaabna ma joogto, waa gardarrada qaawan ee Itoobiya ay dalka ka wado” ayuu yiri Nabadoon Cali.

Xiriir aynu la sameennay maamulka degmada Ceelbuur si aynu arrintaan xog badan uga helno ayaan inoo suurta gelin.

Bishii August 8-deedii ayaa ciidamada Itoobiya waxa ay dad shacab ah oo Tacsi u socday ku dileen duleedka magaalada Baladweyne, iyadoo weli falkaasi aan waxba la’iska weydiin.

Goobjoog News