U bood dhigaalka

Ciidamada Itoobiya Oo Faarujiyey Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay faarujiyeen ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa isaga baxay saldhiggii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen degmadaasi, waxaana ay afka aadiyeen dhanka xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Goob joogayaal ayaa soo sheegaya in badi degmada Dhuusamareeb ka baxeen ciidamadan, iyadoo aaney jirin qorshe horey loo sii shaaciyey oo arrintaan ku saabsan.

Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada Itoobiya ayaa isaga baxayey deegaanno ka mid ah gobolka Galgaduud, waxaana horraantii bishan ay ka baxeen degmada Ceelbuur ee gobolkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

Goobjoog News