U bood dhigaalka

Ciidamada Itoobiya Oo Howlgallo Ka Wado Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Ciidamada Itoobiya ayaa howlgallo ka wado degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan halkaasoo la soo sheegayo in ciidamada ay diideen isa socodka dadweynaha iyo baabuurta.

Ciidamadani Itoobiya ayaa ah kuwii shalay isaga soo baxay degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan kuwaasoo ku sii jeeda magaalada Baladweyne.

Wararka ka imaanaya degaannada Nuur Faarax iyo Garasyaani ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay ka wadaan howlgallo.

Degaannada qaar waxaa ku sugnaa Alshabaab oo la soo sheegayo inay isaga baxayeen markii ay ku sii socdaan ciidamada huwanta ah.

Dadka degaanka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in xaaladda degaanno duleedka kaga beegan Baladweyne ay ciidamada ka wadaan howlgallo.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in ciidamadani Itoobiya iyo kuwa dowladda ee ka soo baxay degaanka Halgan ay ku socdaan jihada magaalada Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ayaa dhowaan waxaa gaaray ciidamadii dowladda iyo kuwii Itoobiya ee AMISOM ee isaga soo baxay degaanka Ceelcali ee isla gobolkaasi Hiiraan.

Goobjoog News