U bood dhigaalka

Ciidamada Itoobiya Oo Is Hortaag Ku Sameeyay Gadiid Waday Dhaawacyo Shacab Ah Kuna Sii Jeeday Galgaduud

Sheeko:Dalka

Ciidamada Itoobiya ayaa hor istaagay Gaadiid sida dad dhaawac ah oo ka yimid deegaanada uu dagaalku ka socdo kuna sii jeeday dagmada Guriceel ee Gobolka galgaduud.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Isarliin ee dagmada Guriceel Cali Cumar Tarabi  oo u waramayay Goobjoog News ayaa sheegay in Isbitaalka uu qaabilay ilaa 18-ruux oo ka mid ahaa dadkii rayidka ahaa ee ku dhaawacmay dagaalka ay Ciidamada New Police ku soo qaadeen deegaanada ay dadka reer miyiga ah ku noolyihiin.

Cali Cumar Tarabi ayaa intaasi raaciyay inay jiraan gaadiid siday dad badan oo ku soo dhaawacmay dagaalka oo ay Ciidamada Itoobiya ka horistaageen in ay tagaan Isbitaalka dagmada Guriceel isaga oo xusay in ay dadkaasi heli karin adeeg caafimaad inta ay ku sugan yihiin deegaanka ay ku hakiyeen Ciidamada Itoobiya.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah, iyadoo ay jiraan dad lala soo baxsaday, taasina waxa ay xaaladdu ka dhigtay mid adag.

Dadka waxyeelada soo gaartay ayaa u badan Haween iyo caruurdadka la laayay qaarkood dagaalka qeyb kama ahayn oo xaafadahooda ayaa loogu tagay.

Goobjoog News