Ciidamada Itoobiya Oo Isaga Baxay Deegaanno Ka Tirsan Gobalka Gal-gaduud

Wararka naga soo gaaraya gobalka Gal-gaduud ayaa waxay sheegayaan in deegaano ka mid ah gobalkaasi ay isaga baxeen ciidamada dalka Itoobiya ee AMISOM ka tirsan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamadaan ayaa xalay saqdii dhexe isaga baxeen deegaanada Ceel-garas iyo Ceel la helay iyaga oo aaday dhanka degmada Dhuusamareeb.

Sarkaal ka tirsan dowladda Federaalka oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in ciidamadaan ay halkaasi isaga soo wada baxeen, isaga oo aan sheegin sababta iyo uljeedka arintaasi ka dambeysa.

Ciidamadaan Itoobiya ee ka baxay deegaanadaan ayaan la ogeyn in ciidamo kale lagu soo bedalayo iyo in kale, hase ahaatee waxa ay ka mid yihiin deegaanada dhawaan ay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW