Ciidamada Itoobiya Oo Isaga Baxay Degmada Ceelbuur, Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay isaga baxeen ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku lahaa degmadaasi.

Dad ku sugan degmada Ceelbuur ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in ciidamadaasi oo wata gaadiidka dagaalka ay faarujiyeen dhammaan fariisimahii ay ku lahaayeen degmadaasi.

Lama oga ulajeedka ka dambeysa in ciidamadan ay isaga baxaan degmada Ceelbuur, sidoo kalena lama oga halka ay aadeen.

Ciidamada Itoobiya ayaa mararka qaar si ogeysiis la’aan ah uga baxa deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin, halka markii ay doonnaan ay dib ugu soo laabtaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW