Ciidamada Itoobiya Oo Ka Baxay Degmada Cadaado Ee Gobalka Galgaduud

Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya in halkaasi ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiya ee fariisinka ku lahaa, iyadoo aan la ogeyn sababta ay ciidankaasi uga baxeen degamadaasi.

Waxaa la sheegay in gelinkii dambe ee shalay ay ciidamadaasi ka guureen xarumahii ay degmada ka deganaayeen sida Xaruntii Kafaalo, Garoonka Diyaaradaha, Madaxtooyada iyo fariisimo ay ku lahaayeen duleedyada degmadaasi.

Wariyayaal ku sugan degmada Cadaado ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in ciidamadaan ay ku baxeen wadada aada dhanka degmada Dhuusamareeb.

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa la wareegay dhammaan xarumihii ay ka guureen ciidamada Itoobiya ee ka mid ah howlgalka AMISOM.

Shacabka ku dhaqan degmada Cadaado ayaa hadal haya ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee degmadaasi, iyadoo weli arintaasi aanu ka hadlay maamulka Galmudug.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW