U bood dhigaalka

Ciidamada Itoobiya oo La Wareegey Xeradii Leego ee Ciidamada AMISOM Lagu Weeraray

Sheeko:Dalka

Ciidamada ka socda Itoobiya ee hoostaga AMISOM ayaa la wareegey fariisintii jimcihii lagu weeraray ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM kuwaasi oo isaga baxay halkaasi.

Xiliga ay magaalada tagayaan ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ka maqan inta badan dadkii magaalada oo halkaasi ka qaxay markii uu weerarka dhacay iyada oo qaar badan oo ka mid ah ay afduubteen ciidamada Alshabaab ee halkaasi qabsaday maalintii jimcaha.

Lama oga waxa dhaliyey isbadalka labada ciidan, balse Leego waxa ay ku taalaa aagga loo calaameeyey in ay ciidamada Itoobiya ka hawlgalaan.

Goobjoog News