U bood dhigaalka

Ciidamada Itoobiya oo Laga Soo Daayay Dhallinyaro ay Xirteen

Sheeko:Amniga

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa maanta sii daayey dhallinyaro ay maalinadii shalay ay  kaxaysteen, kadib markii gobolka qarax lagula eegtay ciidamka, kaas oo dhaliyey khasaare kala duwan.

Maamulka degmada Feerfeer oo kaashanaya odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa ku guulaystay in dib loo soo celiyo dhalliyaradaan, oo ciidanku ay ka qabteen meel u dhaxaysa magaalada Baladweyne iyo degmada Feerfeer.

Kulan sigaar ah u dhexmaray saraakiisha ciidanka , mas’uuliyiin iyo waxgarad deegaanka ah oo Soomaali ah ayaa waxaa  ugu dambayn la isku afgartay in in dhalliyarada dib xoriyadooda loosiiyo kadib 24 saac ay xirnaayeen.

Ehelada dhallinyarada la siidaayey ayaa sheegay in markii lasoo daayey jirkooda lagu arkay jirdil baahsan oo ay ciidanku u gaysteen, waxaana ay u madceliyeen cid waliba oo ka shaqaysay in dib loosoo daayo caruurtooda.

Goobjoog News