Ciidamada Itoobiya Oo Lagu Eedeeyay Dhibaateynta Shacab Ku Dhaqan Gobolka Galgaduud

Qaar ka mid ah dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho ayaa dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ugu baaqay inay wax ka qabtaan tacaddiyo ciidmada Itoobiya ay ka geysteen qeybo kamida Gal-gaduud gaar ahaan deegaannada dhanka xuduudda ee Itoobiya.

Dhallinyaradaan oo wax kabarta jaamacadaha Muqdisho oo maanta nagu soo booqday xarunta dhexe ee idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in ciidamada itoobiya ay dad badan ku dileen deegaannada Kaxan-dhaale, iyo Cacar islamarkaana dad badan ay bara keceen.

Waxay tilmaamaameen in marar badan ay soo noq-noqdeen tacadiyadaan ciidamada itoobiya ay halkaas ka geystaan loona baahanyahay in dowladdu dadkaas xuquuqdooda ay meel saarto.

“Waxaan idiin soo booqannay inaan ka hadalno dhibaatada lagu hayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobalka Galgaduud gaar ahaan deegaannada Kaxan Dhaale iyo Dacar, ciidamada Itoobiya gaar ahaan kuwa Liyuu Boolis ayaa dadkii intey u yimaadeen waxay ku amreen inay ka guuraan halka ay deggan yihiin oo ay u guuraan 70 km deegaannada ku yaalla, waa dhulkii ay dadkaan degganaayeen muddo fog, waa dhulkoodii hooyo, dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug waxaan leenahay degdeg wax uga qabta arrinkaasi, shacabka wey dhibbanyihiin, mararka qaar waa la dilayaa” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dhallinyarada soo booqatay Goobjoog xarunteeda dhexe ee Muqdisho.

Hadalkaan kasoo yeeray dhallinyaradan ayaa kusoo beegmaya xilli horay Odayaal dhaqameed ku sugan deegaannadaasi ay sheegeen in lagu amray inay ka guuraan meelihii ay deganaayeen, ayna ammarkaasi bixiyeen ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW