U bood dhigaalka

Ciidamada Jabuuti ee Hiiraan oo Maalinta Xornimada Darteed ku Deeqey Qalab

Sheeko:Dalka

Ciidamada nabad illaalinta midoowga Afrika ee ka socda dalka Jabuuti ee ku sugan magaalada Baladweyne ayaa dad beeraley ah siiyey qalab beeraha lagu qoto munaasabadda 38 guuradii kasoo wareegtey maalintii ay xornimada qaadatay Jabuuti.

Waxaa qalabka guddoomey guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax , waxaana qalabka wareejiyey taliyaha ciidamada Jabuuti ee halkaasi Col. Cusmaan Dubbad.

Qalabka ayaa isugu jirey gaadiidka cagaf cagafta ee lagu carrogadiyo beeraha iyo waliba qalab kale oo beeraha lagu qodo.

Saraakiisha Jabuuti iyo kuwa dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in qalabkani looga gol leeyahay in kor loogu qaado wax soosaarka beeraha dadka reer Hiiraan.

Goobjoog News