U bood dhigaalka

Ciidamada Jubba iyo kuwa AMISOM oo u dhaqaaqay dhanka degmada Jilib

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Buulo Gaduud ee gobalka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka ruqaansadeen ciidamada maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa AMISOM, kuwaa oo ku wajahan degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe.

Ciidamadaan ayaa ah kuwo aad u hubaysan, waxaana ay afka aadiyeen wadada degmada Jilib, iyadoo maalmahaan oo dhan ay wadeen dhaq dhaqaaq ciidan.

Mid ka mid ah saraakiisha maamulka KMG ee Jubba waxa uu inoo xaqiijiyay in ciidamadaan ay ka go’an tahay sidii Xarakada Al-shabaab uga saari lahaayeen gobalada Jubooyinka.

Dhawaan ayaa maamulka KMG ee Jubba waxa uu ku dhawaaqay dagaal ay ugu magic dareen Atlanta, kaa oo gobalada Jubooyinka ay sheegeen inay uga saarayaan ciidamada Al-shabaab.

Goobjoog News