U bood dhigaalka

Ciidamada Jubbaland Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidamada maamulka Jubbaland oo garab ka helaya kuwa AMISOM ee Itoobiya iyo Al-shabaab oo dhinac ah ku dhexmaray deegaanno ka mid ah gobalka Jubada Hoose.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa weerar ku qaaday deegaannada Buulo-gaduud. Yoontoy iyo Cabdalle Biroole kuwaas oo ay maamulayeen Al-shabaab islamarkaana ku dhaw magaalada Kismaayo.

Dagaalkaan ayaa ku billawday duqeyn ay deegaanadaasi u geysteen ciidanka Itoobiya kadibna halkaasi uu ka billawday dagaal fool ka fool ah.

Lama oga khasaaraha guud ee dagaalladaasi ka dhashay, hase ahaatee dagaalladaan oo socday illaa iyo xalay ayaa saakay lasoo sheegayaa in xaaladdu ay tahay mid deggan.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa u sheegay Goobjoog News in Kismaayo ay soo galayeen gaadiid sida dhaawacyada ciidamada Jubbaland.

Ma jiro wax war ah oo dagaalladaasi kasoo kala saareen Jubbaland, AMISOM iyo Al-shabaab, hase ahaatee dhawaan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku dhawaaqay inay qaadi doonaan dagaallo ka dhan ah Al-shabaab.

Goobjoog News