U bood dhigaalka

Ciidamada Jubbaland Iyo Kuwa AMISOM Oo Al-shabaab Kala Wareegay Degmada Badhaadhe, J/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Jubbaland oo garabsanaya kuwa AMISOM ee Kenya ayaa lagu soo waramayaa in dagaal ay kula wareegeen degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose, halkaasi oo ay muddo maamulayeen ciidamada Al-shabaab.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ee la wareegay degmadaasi ayaa la sheegay in dhanka deegaanka Kulbiyow ay weerarka kasoo qaadeen, waxaana ciidamada Jubbaland ay ahaayeen kuwo dhowaan tababar loogu soo xirey dalka Kenya, islamarkaana kasoo tallaabay xadka ay dalkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku geeriyootey Lix ruux oo u badan dhinacyadii dagaallamay, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Korneel Xasan Ciraaqi oo kamid ah saraakiisha Jubbaland ayaa si kooban ugu sheegay warbaahinta in degmada Badhaadhe ay hadda ku jirto gacanta Jubbaland, islamarkaana ay halkaasi ka wadaan howlgallo.

Korneelka ayaa sheegay in ay dileen 4 kamid ah dagaalyahannada Al-shabaab, islamarkaana hadda ay ku raadjoogaan dagaalyahannnada kale ee degmada ka baxay.

Degmada Badhaadhe ayaa ah degmo Istiraatiiji ah, waana 360 KM oo Jibbaaran, iyadoo degmadan ay hoosyimaadaan deegaanno dhowr ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News