U bood dhigaalka

Ciidamada Jubbaland Iyo Kuwa AMISOM Oo Ruqaansaday Degmada Xagar Ee J/Hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay u dhaqaaqeen dhanka degmada Xagar ee gobalka Jubbada Hoose, halkaasi oo la sheegay inay faarujiyeen ciidamada xarakada Al-shabaab.

Ciidamadaan ayaa ka baxay deegaanno ku dhaw degmada Afmadow ee gobalkaasi, iyadoo dhanka kale la arkayo diyaarado dagaal oo degmadaasi dul socda.

Dhanka kale Ciidamo kale oo Jubbaland iyo AMISOM ah ayaa ka tagay deegaanka Hargeysa Yarey kuwaa oo iyana dhanka degmada Xagar u dhaqaaqay.

Ugu yaraan Seddax Jiho ayeey ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM kaga dhaqaaqeen degmada Xagar.

Dad ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in Xagar uu ka billawday barakac aad u baahsan, lagana cabsanayo dagaal inuu halkaasi ka dhaco, inkastoo la sheegayo Al-shabaab in degmada banaanka uga baxeen.

Xarakada Al-shabaab ayaa gobalka Jubada Hoose, weli ka maamusha deegaanno ka mid ah, xill maamulka Jubbaland uu dhawaan ku goodiyay in ay la wareegayaan deegaan walba oo Al-shabaab maamulaan.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Fartaag ayaa Laba maalin kahor ka sheegay magaalada Kismaayo in ay ku wajahan yihiin degmada Bu’aale iyo deegaanno kale.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News