U bood dhigaalka

Ciidamada Jubbaland Iyo Kuwa Kenya Oo Howlgallo Ka Wada Degmada Dhoobley

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Jubbaland oo garabsanaya kuwa Kenya ee ka midka ah howlgalka AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in saakay oo Arbaco ah howlgallo ka wadaan degmada deegaanno ku yaalla duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan halkii shalay lagu dagaallamay.

Waxaan jirin isku socod gaadiid iyo mid dadweyne intaba, waxaana ciidanku ay xireen waddooyin dhowr ah.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Dhoobley ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News in deegaannadii shalay lagu dagaallamay ay ciidamo dheeraad ah ku baxeen.

Xaaladda guud ee duleedka degmada Dhoobley waa mid deggan, lamana soo sheegin howlgalkan cid ay ciidankan ku qabteen.

Al-shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Dhoobley, waxayna sheegeen inay dileen askar Kenyan ah sidoo kalena ay gaadiid gubeen inkastoo warkaasi ay beeniyeen saraakiil u hadashay Jubbaland.

Goobjoog News