U bood dhigaalka

Ciidamada Jubbaland Oo Dagaal Kusoo Furtay Haweeney Dhawaan Laga Soo Qafaashay Dalka Kenya

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan degmada Dhoobley ee gobalka Jubada Hoose, ayaa maanta waxaa u suurta gashay in ay awood kusoo furtaan Haweeney macallimad ahayd oo 12-kii bishaan laga soo qafaashay dalka Kenya, taas oo u dhalatay isla dalkaasi.

Ciidamada Jubbaland iyo kooxdii soo qafaalatay Haweeneydaan ayaa waxaa maray isku dhac, iyadoo halkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan Laba ka mid ah kooxdii wax soo qafaalatay, waxaana sidoo kale jirta waxyeelo soo gaartay ciidamada Jubbaland.

Haweeneydaan la qafaashay ayaa lagu macabaa Judy, waxaana ay ka shaqeyneysay Hay’adda Winldle Trust International, iyadoo hadda ay bad qabto, kuna sugan tahay degmada Dhoobley.

Mas’uuliyiin u hadashay maamulka degmada Dhoobley ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ku raad joogaan ragii kale ee qafaalka ku jiray, islamarkaana baxsaday.

Saraakiil Kenyan ah ayaa la sheegay inay hadda u tageen Haweeneydaan, iyadoo tani ay noqonyeso markii ugu horeysay oo ciidamada Jubbaland sameeyaan.

Goobjoog News