U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Oo Dad Shacab Ah Ku Diley Gobolka Gedo

Sheeko:Amniga

Ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay dad shacab ah ku dileen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, iyaga oo sidoo kale jir diley dad kale.

Guddoomiye ku xigeenka degmadaasi, Sahal Macallin Aadan ayaa u sheegay warbaahinta in ay ciidankaan oo wejiyada duuban gudaha u galeen shirkad isgaarsiin oo halkaasi ku taallay, ayna dileen Labo nin oo mid da’ ah uu ku jiro oo halkaasi joogay, sidoo kalena ay qarxiyeen shirkadda.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay iney jiraan dad kale oo ciidamada Kenya ku dileen degmada Ceelwaaq, isaga oo tilmaamay in falkaan ay u sameeyeen khilaaf uu sheegay inuu kala dhaxeeyo maamulkooda, balse ma aanu caddeyn khilaafkaasi wuxuu yahay.

“Ciidamadan oo sida Al-shabaab wejiyada soo duubtay ayaa soo galay gudaha degmada, shirkad isgaarsiin oo meesha ku taallay ayeey galeen, Labo nin oo uu ku jiro nin oday ah ayeey meesha ku toogteen, sidoo kale, waxay miino ku qarxiyeen shirkadda” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale, guddoomiye Sahal ayaa sheegay in arrintaan u gudbiyeen maamulka Jubbaland iyo sidoo kale dowladda federaalka ah, balse aan weli wax jawaab ah arrintaasi laga soo siin.

Goobjoog News