U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Oo Dil, Dhac Iyo Kufsi U Geystay Rayid Ku Dhaqan Mandhera

Sheeko:Dalka

Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay dil, dhac iyo kufsi ka geysteen degmada Lafey oo ka tirsan ee gobolka Mandheera.

Reeraha Sheikh Barrow  ayaa sheegay in askarta Kenyaanka ay dil, dhac iyo kufsi ka geysteen degmada.

Aden Xasan Afey ayaa isna sheegay in ciidamada ayaa dilay nin wade ka ah Mooto halka ay dhac u geysteen dukaamo halkaasi ku yaaley.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in ay goobta u tageen in ay dagaal la galaan kooxo la sheegay in ay soo weerareen degaanka, Laakin waxaa ay dib ugu soo noqdeen dadka rayidka ah iyagoo dhibaayo dil, dhac iyo kufsi ah u geystay.

Goobjoog News