Ciidamada Kenya Oo Howlgallo Ballaaran Ka Wada Magaalada Mandheera

Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee gobalka Waqooyi bari Kenya ayaa waxay sheegayaan in halkasi ay howlgallo ballaaran ka wadaan ciidamada dowladda Kenya.

Howlgalkaan oo shalay soo billawday ayaa wararku waxay sheegayaan in ciidamada ay kusoo qabqabteen dad badan oo la sheegay in looga shakiyay falal amniga ka dhan ah oo ay maleegayeen.

Wariyaasheena ku sugan dalka Kenya ayaa soo sheegaya in howlgalkaan ay ciidamada ku galeen guryo badan, uuna aad u yaryahay isku socodka dadweynha ee Mandheera.

Dhinaca kale wararka waxay sheegayaan in dowladda Kenya ay ciidamo badan soo dhigtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan dhanka Mandheera.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhowrjeer waxay weeraro xooggan ka geysteen dalka Kenya, waxaana taasi ay keentay in ciidamada Kenya ay inta badan howlgallo ka sameeyaan gobalka Waqooyi bari.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW