U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Oo Howlgallo Ka Wada Deegaanno u Dhaxeeya Mandhera Ceel-waaq

Sheeko:Dalka

Wararka Goobjoog News ay ka Heleyso Tuulada Lafey oo u dhaxeysa Mandheera ee Gobolka waqooyi bari Kenya iyo degmada Ceel-waaq oo ka Tirsan gobolka gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay Howlgallo lagu Xaqiijinayo amaanka ay ka wadaan halkaa.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidamada ay guri guri u baarayaan Iyagoo ka shakisan in weerada lagu soo qaado Halkaas laga soo abaabulo.

Sharaakiisha amaanka Kenyana waxaa ay sheegen in howlgaladan lagu xaqiijinayo amaanka ay sii wadi doonan Ilaa laga helo Xasilooni buuxda oo Bulshada Kenyaatiga ah ay helaan.

Horaantii Todobaadkan ayaa weerar ay sheegatay Mas’uuliyadiisa xarakada Al-shabaab waxaa uu ka dhacay Tuulada Lafeey oo u dhaxeysa Mandheera iyo Ceelwaaq halkaas oo goobjoogayaal ay xaqiijiyeen in ay Arkeen Saddex askari oo dhaawac ah kuwaas oo ka Tirsan Ciidamada Kenya .

Inkastoo Markii weerarkaas uu dhacay aysan wax war ah kasoo saarin Saraakiisha amaanka dalka Kenya.

Kenya ayaa Soomaaliya waxa ay soo gashay sanadkii 2010-ka xilligaas oo ay sheegtay in ay ka qeeb tahay howlgalada xarakada Al-shabaab lagu qaadayo ay qeeb ka tahay.

Balse wixii waqtigaas ka dambeeyay Gudaha wadanka Kenya ma uusan helin Xasiloonidii dhanka amaanka ahaa ee uu wadankaas haysan ka Hor Howlgalka AMISOM.

Al-shabaab ayaa marar badan ku celcelisay in ay sii wadi doonaan Falalka amaan darrida la xariira ee ay ka geesanayaan Kenya ilaa ciidamadeeda ay ka saarto ciida Soomaaliya.

Goobjoog News