U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Sarkaal Ka Mid Ahaa Al-shabaab Oo Dhawaan Dowladda Isku Soo Dhiibay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

KenyaWararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ciidaada Kenya ay la wareegeen gacan ku hayanta Sakariye Ismaaciil oo ka mid ahaa Al-shabaab, kaa oo dhawaan dowladda Federaalka isku soo dhiibay.

Khaliif Nuur Xiireey oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee ku sugan gobalka Gedo ayaa sheegay in ay ka war heleen oo kaliya ciidamada Kenya oo watay sarkaalkaasi, waxaana uu tilmaamay in dhanka Wajeer ay la aadeen.

“Sakariye Ceel-waaq baa lagu sheegayay markii hore, aniga ma arag, meesha uu ka galayna ma arag, laakiinse waan maqlay, Ceel-waaq sida aan ugu ogeyn xalay Kenya ayaa wadatay baan maqalnay, Wajeer Baa laga qaadayaa ayaa la yiri, warar baa jira oo leh Muqdisho ayaa Loo qaadayaa, xoog ayeey ku qaateen, waana arin aynu la yaabannahay” Ayuu yiri Khaliif Nuur Xiireen

Waxaa jiray warar aan lagu kalsooneen oo sheegayay in maanta sakariye loo soo qaadi lahaa magaalada Muqdisho, hase ahaatee ilaa iyo xilligaan lama oga sababta ka dambeysa in ciidamada Kenya ay wataan.

Si aynu wax badan arintaan uga ogaanno waxaan isku daynay in aynu si toos ah ula xiriirno Taliyaha ciidamada xooga dalka ee gobalada Jubooyinka iyo Gedo, kaas oo gacanta ku hayay Sakariye, hase ahaatee Taleefankiisa ayaa densanaa,

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News