U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya oo laga dalbaday Magta dad la sheegay in ay ku dileen gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Ehlada dad ciidamada Kenya ay ku dileen gobalka Gedo ayaa codsaday in Magta dadkoodii dhintay in la siiyo

Maxamuud Cali oo ay ehel wadaag ahaayeen dad gaaraya lix ruux oo la sheegay in ciidamada Kenya ay ku dileen deegaanka Faafaxdhuun ayaa tilmaamay in illaa iyo hadda aysan jirin cid cabashadooda wax ka qabatay.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya ay gaarsiiyeen madaxdooda kadib markii ay waji-gabax kala kulmeen saraakiishii deegaankaasi oo uga baxay ballantii ay u dhigeen.

Dhanka kale waxaan isku daynay in aynu xiriir la sameyno maamulka gobalka Gedo iyo waxa uu kala socdo arintaan hase ahaatee ma aanay inoo suurta gelin.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News