U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Oo Xiray Soomaali Dhuumasho Ku Galaysay Dalkaasi

Sheeko:Dalka

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa Jimcihii shalay waxa ay xireen sida la sheegay muwaadiniin Soomaaliyeed oo gaaraysay 32 qof, kuwaasi oo si dhuumasho ah doonayay in ay ku galaan gudaha dalkaasi.

Dadkaan ayaa saarna gaari dhuxul ay ku rarneed oo qaab dhuumasho ah kusoo raaceen, hase ahaatee waxaa la qabtay xilli habeen ah iyaga oo marayay deegaanka lagu magacaabo Mwingi oo 170 Km u jira magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shem Nyamboki oo ah madaxa dambi baarista deegaanka dadkaan lagu qabtay ayaa sheegay in dhammaan dadka la hayo oo ay ku jiraan kuwii wax tahriibinayay ay maxkamad soo taagi doonaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadkaan ay halis geliyeen naftooda, maadaama ay dhexda ka galeen Jawaano ay ka buuxaan dhuxul iyo sidoo kale alaab kale, tiro ahaanna ay aad u badnaayeen.

Ciidamada Kenya ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku jiray feejignaan xoogan oo ay ku doonayaan in amniga ku xaqiijiyaan, ka dib markii Xarakada Al-shabaab ay xoojisay weerarada dalkaasi ka geysanayo.

Goobjoog News