U bood dhigaalka

Ciidamada K/galbeed Oo Lagu Amray Iney Adkeeyaan Ammaanka

Sheeko:Dalka

Maamulka K/galbeed ayaa ku amray ciidamada ammaanka iney xoojiyaan amniga guud ee deegaannada maamulkaasi, gaar ahaan xarumaha lagu qaadayo Imitixaanka mideysan ee Dugsiyada sare.

Sii haya xilka wasiirka amniga maamulka K/galbeed Xasan Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab laga filan karo weeraro ay ku qaadaan xarumaha lagu qaadayo Imtixaanka, sidaasi darteedna ciidanka laga doonayo in dedaal dheeraad ah ay bixiyaan.

Wuxuu sheegay in Shanta cisho ee uu socdo Imtixaanka ay ciidanka heegan buuxa ku jiri doonaan, ayna rajeynayaan in iyadoo amni ah uu soo gabagaboobo Imitixaanka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada ammaanka waxaan leeyahay xoojiya dedaalka aad hadda amniga guud ku xaqiijineysaan, Laba laaba maalmahan ay socdaan Imtixaannada, waxaa la idin ka doonayaa inaad difaacdaan ardaydiina, cadowga wax walbo ayaa laga filan karaa, horumar ma rabaan, sidaasi darteed waa in aan la is dhigan” ayuu yiri wasiir Xasan.

Maanta oo Sabti ah waxaa inta badan dalka ka bilowday Imtixaanka mideysan ee Dugsiyada sare, waxaana qaadeysa dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Goobjoog News