Ciidamada Koonfur Galbeed Oo Howlgallo Ka Sameeyay Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo garabsanaya kuwa dowladda Federaalka ah ayaa maanta waxay howlgallo ballaaran ka sameeyeen degmada Waajid ee gobolka Bakool iyo deegaanno  kale oo degmadaasi ku dhow.

Wariyaheena Gobollada Baay iyo Bakool Aadan Xasan Cismaan ayaa soo sheegaya in ciidamada ay kusoo baxeen wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Baydhabo iyo degmada Waajid oo ka kala tirsan Baay iyo Bakool.

Ulajeedka howlgalkaan ayaa lagu sheegay in looga golleeyahay sidii loo sugi lahaa amniga wadadan oo dhawaan la filayo in la marsiiyo raashiin gargaar ah oo loogu talo galay shacabka ku sugan degmada Waajid.

Ma jirto cid lagu soo qabtay holwgalkaan iyo wax iska horimaad ah oo ciidankaan ay kala kulmeen dhanka Xarakada Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW