U bood dhigaalka

Ciidamada Kumaandooska Danab oo Howlgallo Ka Sameeyey Mudug

Sheeko:Amniga

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa sheegay in ay Gacanta kusoo dhigay xubno lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ka dib howl-gallo y ka sameeyeen nawaaxiga Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka Danab ayaa sheegay in dadka ay soo qabteen oo u badan dhallinyaro ay marsiin doonaan baaritaanno, kadibna ay sii deyn doonaan qofkii ay dembi ku waayaan.

Saraakiisha ayaa waxay sidoo kale sheegeen in howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii wadi doonaan qorshahuna uu yahay in ay u ruqaansadaan degaannadaan deegaannada gobolka ay kaga sugan yihiin Alshabab.

Goobjoog News