U bood dhigaalka

Ciidamada Kumaandooska Ee Danab oo Sheegay iney Gacanta Ku Dhigeen Saraakiil Al-shabab ah

Sheeko:Amniga

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa sheegay howlgallo ay ka sameeyeen gobollada Hiiraan iyo labada Shabeelle ay ku qabteen saraakiil ka tirsan Al-shabab, sida ay u dhigeen hadalka.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska Danab Maxamed Saleebaan oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in dadka la qabtay ay gaarayaan ilaa sedex sarkaal sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaana ku sheegay magacyadooda  Xasan Yuusuf Cali oo ahaa madaxii maaliyadda gobolka Hiiraan, Cali Cabdulle Jilacow madaxii Maktabadda waxbarashada Dumarka ee deegaanka Ceelcade iyo Cabdullahi Isxaaq Xuseen. madaxii Sakawaadka gobolada Shabeellada hoose iyo Shabeellada dhexe.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalladaan lagu burburiyey fariisimo uu sheegay in ay lahaayeen Alshabab, sida uu hadalka u dhigay taliyaha ururka 4-aad ee Kumaandooska ee Danab.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanayo ciidamada Nabad ilaalinta AMISO iyo Mareykanka ayaa howlgallo waxaa ay ka wadaan gobolada klaa duwan , waxaana xiligaan hwlgalka ugu badan ay ka sameeyaan sedexdaan gobol ee deriska ah .

Goobjoog News