U bood dhigaalka

Ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM oo ku dhaqaaqay deegaano hor leh kana mid ah Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaqaaqeyn deegaano cusub oo gobalka Jubada Hoose ka mid ah, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Al-shabaab.

Waxa ay ciidamadaan ka dhaqaaqeyn dhanka deegaanka Buulo gaduud oo duleedka ka ah magaalada Kismaayo, iyadoo deegaankaan maalmihii ugu dambeeyay bandoow uu saarnaa.

Saraakiisha maamulka KMG ee Jubba ayaa u sheegay Goobjoog Fm in ay doonayaan xilliyada soo aadan sidii ay kula wareegi lahaayeen dhamaan gacan ku haynta deegaanada gobalada Jubooyinka ka joogaan Xarakada Al-shabaab.

Ciidamada Jubba iyo kuwa AMISOM oo dhawaan ka dhaqaaqay magaalada Kismaayo ayaa u suura gashay inay gacanta ku dhigaan deegaano badan oo kaabiga ku haayay magaalada Kismaayo.

Goobjoog News