U bood dhigaalka

Ciidamada maamulka KMG Jubba iyo kuwa AMISOM oo u ruqaansaday Jilib

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka ku-meelgaarka Jubba iyo kuwa AMISOM ee ka socda Kenya ayaa maanta ka ruuqaansaday magaalada Kismaayo iyaga oo u jiheystay dhanka degmada Jilib oo ay gacanta ku hayaan xarakada Al-shabaab.

Ciidamada ayaa howl galkan ku doonaya in ay kula wareegaan degmada Jilib, halkaas oo mudooyinkii u dambeeyay ay duqeymo cirka ah ka geysanayeen diyaaradaha dagaalka Kenya.

Saraakiil ka tirsan maamulka KMG Jubba ayaa sheegay in ciidamada ay u dhaqaaqeen dhinaca Jilib iyo deegaano ka tirsan gobolka Jubbada dhexe , waxaana duulaankan la sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan diyaarado.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen magaalo xeebeedka Baraawe, halkaas oo muddo lix sano ay ka talinayeen xarakada Al-Shabaab.

Wixii war ah eek u soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM