Ciidamada Nabad Sugidda Oo Saldhigyo Hor Leh Ka Sameysanaya Gobolka Mudug

Saraakiisha Dhanka amniga ee maamulka Galmudug ayaa sheegay iney wadaan qorshe ay fariisin ciidan kaga sameysanayaan deegaanno ka tirsan bariga gobolka Mudug oo meello kamid ah ay xilligaan maamusho Xarakada Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada nabad sugidda ee ka howlgala deegaannada Galmudug, Saadaq Cumar Xasan ayaa tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in ciidamadooda ay sameytaan deegaanno hor leh, si amniga loo xaqiijiyo.

“Waxaan rabnaa in meeshii ku haboon aan saldhig ciidan ka sameysanno, maadaama ciidamada Galmudug ay ka dheer yihiin deegaannada xeebta Mudug, xeebtaasi oo qeyb ay naga haystaan nimanka nabad diidka Al-shabaab iyo burcadbadeed horey halkaasi uga tali jirtay, sidaasi darteed waxaan u imaannay inaan saldhig ciidan ka sameysanno halkaan oo gacan naga siineyso dowladda Maraykanka iyo Dowladda Soomaaliya si aan saldhiggaasi u dhisanno” ayuu yiri Taliyaha.

Sidoo kale Taliyaha ciidamada Nabad sugidda ee deegaannada Galmudug ayaa sheegay in laamaha amniga ee Galmudug iyo Puntland ay iska kaashan doonaan nabadgalyada gobolka Mudug, ayna si wadajir ah uga shaqeyn doonaan nabadda iyo xasiloonida.

“Ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug qabiilkeennu waa ciidan, waxaana ciidanka uu cadowga ka celiyaa dalkiisa, marka waxaan rabnaa inaan iska kaashanno iska celinta cadowga, waxaan rabnaa in aanu cadowgeenna na mara habaabin, cadow badan baan leenahay”

Ciidamo isku dhaf ah oo ay wehlinayeen kuwo ajnabi ah ayaa howlgallo waxay ka sameeyeen deegaanno ku yaalla Koonfurta Gobolka Mudug.

Goobjoog News

Related Articles

5 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW