U bood dhigaalka

Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka Oo Soo Furtay Iraaniyiin Lagu Haystay Duleedka Degmada Cadaado

Sheeko:Dalka

Ciidamada Nabad suigidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, kuna sugan degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud, ayaa lagu soo waramayaa in awood ay kusoo furteen Afar qof oo u dhashay wadanka Iiraan, kuwaasi oo muddo gacanta ugu jiray rag la sheegay inay burcad badeed ahaayeen.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamadaan ay howlgal Qorsheysan ka fuliyeen duleedka degmada Cadaado ay u suurta gashay inay kusoo Furtaan Afarta qof ee Iran u dhalatay,

Ciidamada Nabad sugidda ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay raggi wax qafaashay, iyadoo dhammaan la keenay degmada Cadaado.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Galmudug oo ku sugan degmada Cadaado, codsadayna inaan magaciisa la baahin ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid maalmo badan la qorsheynayay.

Waxa uu tilmaamay in laga war hayay raggaan iyo halka ay ku sugan yihiin, islamarkaana ay suurta gal noqotay in la qabto iyaga, lagana soo badbaadiyo Muwaadiniinta u dhalatay Iiraan ee ay gacanta ku hayeen.

Goobjoog News