Ciidamada Puntland Iyo Galmudug Oo Rasaas Isku Weydaarsanaya Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi laga maqlayo rasaas goos goos ah oo ay is weydaarsanayaan ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug.

Rasaastan ayaa ka dhacaysa sida la sheegay waddo ku taalla xaafadda Garsoor, waxaana taasi walwal ka muujiyey shacabka Gaalkacyo.

Wadada cir toogtaha magaalada Gaalkacyo ayaa ah gabi ahaanba mid xiran, mana jiraan gaadiid shacab oo halkaasi isticmaali kara.

Ganacsatada suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo ayaa Afartii maalin ee lasoo dhaafey waxay cabasho ka ahaayeen rasaas ay sidan isku weydaarsanayaan ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Shacabkii kusoo noqdey magaalada Gaalkacyo ayaa ka baqaya in mar kale magaaladaasi ay ka dhacaan dagaallo u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

November 11, 2016 waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacay shir lagu heshiisiinayey maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana shirkaasi gar wadeen ka ahaa dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, balse waxaa muuqaneysa in weli heshiisyadii aysan u fulin sidii loo baahnaa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW