U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Ka Wada Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada maamul gobaleedka Puntland iyo kuwa Al-shabaab ay dhaqdhaqaaqyo ciida ka kala wadaan deegaanno ka mid ah gobalkaasi, gaar ahaan deegaanno hoostaga deegaanka Garacad oo shalay dagaallo ka dhaceen.

Ciidamo badan oo Puntland ka tirsan ayaa gurmad ahaan loo geeyay deegaanka Garacad, kuwaasi oo la sheegay inay doonayaan iney ka qeybqaataan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa saaka deggan xaaladda tuulooyinka hoostaga deegaanka Garacad ee maalintii shalay ahayd lagu dagaallamay.

Saraakiisha ciidanka Puntland ayaa sheegaya in ay sii socon doonaan howlgallada lagu sugayo ammanka deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo, waxaana wararka dadka deegaanka laga soo xigtay ay ku waramayaan in dhinacyadani weli isku horfadhiyaan qeybo kamid ah gobalka Mudug.

Qof ku sugan deegaanka Garacad, kana gaabsaday in magaciisa la baahiyo ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in weli dhaqdhaqaaqyada Milatari ay ka soconayaan deegaankaasi iyo tuulooyinka ku dhow.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News