U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Iyo Kuwa Somaliland Oo Dhaqdhaqaaqyo Ka Wada Sool

Sheeko:Dalka

Wararka saakay oo Isniin ah ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Puntland iyo Somaliland ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaannao kamid ah gobolkaasi.

Xiisaddan ayaa dib u bilaabatay kadib markii Labada dhinac ay shalay si kooban ugu dagaallameen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Ciidamo badan oo Labada dhinac ah ayaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay waxay gaareen aagga Tukarraq, halkaasi oo cabsi dagaal ay ka bilaabatay.

Waxgaradka Sool ayaa horey u sheegay iney ku guul dareysteen waan waan ay ka dhex wadeen Puntland iyo Somaliland, taasi oo ka dhiggan in xilli walbo la filan karo dagaal.

Dadka ku dhaqan deegaannada ay ciidamadan dhaqdhaqaaqyada ka wadaan ayaa Goobjoog News u sheegay in xaaladda saakay ay tahay mid kacsan, kana duwan subaxyadii hore.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News