U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Iyo Kuwa Somaliland Oo Laga Baqayo Inay Ku Dagaallamaan Gobolka Togdheer

Sheeko:Dalka

Xiisado dagaal oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Somaliland isla markaana dadka shacab ah saameyn ku yeeshay ayaa ka taagan deegaanno kamid ah gobolka Togdheer

Wararka ay helayso Goobjoog News ayaa sheegaya in ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland ay isku horfadhiyaan deegaanno dhowr ah.

Cabdiraxmaan Cabdule Axmed Nuur (Afweyne) oo ka tirsan saraakiisha ciidamada maamulka Puntland kuna sugan magaalada Buuhoodle ayaa mar uu warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in ka Puntland ahaan ay u diyaargaroobeen difaacidda dhulkooda waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay Sarkaalkaan sidoo kale in ciidamada Labada dhinac kaliya ay u harsan tahay in rasaasta billaabato, ama sidoo kale ay dhacdo weerar Labada dhinac mid un ay qaadaan.

“Waxaan sheegayaa in dhibaatooyinkaan ay soo noq noqdeen, waxaa hadda harsan oo kaliya in rasaasta ay billaabato, Labada dhinac wey is horfadhiyaan, waxaan u sheegayaa shacabka in ay difaac galaan ogaadaanna in dagaal aan la hureyn, waxaan arkeynaa sida maalin walbo ay usoo socdaan ciidanka dhanka Somaliland” ayuu yiri Sarkaal Afweyne.

Warar xanaf leh ayay warbaahinta isku marinayeen Labada maamul waxaa jira xiisado dagaal oo dadka shacab ah saameyn ku yeeshay kuwaas oo goballada Sool, Sanaag iyo Togdheer ay wajahayaan.

Deegaannada Ceegaag iyo Horufadhi ee Gobolka Cayn Waxaa ka Taagan xiisado Dagaal kadib Markii Deegaanadaasi ay gaareen Ciidamada Somaliland oo wata gaadiid dagaal oo badan iyo Ciidamo lug ah waxaana dagaallo kala hortagay ciidanka Khaatuma iyo dad shacab ah oo is-abaabulay.

Goobjoog News