U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland oo la wareegay Galgala iyo madaxwayne Gaas oo ka hadlay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ciidamada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa gebi ahaan la wareegay gacan ku haynta buuraleyda Galgala kadib dagaal qaraar oo maanta halkaa ka dhacay.

Dagaalka ayaa buuraha galgala waxa uu ku dhex maray dagaalyahano ka tirsan xarakada Al-shabaab iyo ciidamada Puntland oo weeraray, waraka ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay dhimashada in kabadan 10 qof.

Dhinaca kale Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku dhawaaqay in Ciidama Puntland la wareegeen Buuraha Galgala, iyagoo ka  qabsaday  waxa uu ugu yeeray Burcad diimeed iyo Argagixiso.

Gaas ayaa shirka Jaraa’id ku sheegay in ay muddo ku dhuumaaleysanayeen kooxdan buuraha Galgala, iyagoo laayay dad aan waxba galabsan oo isugu jiray Culumo, Haween iyo Caruur, isla markaana dhib, Barakac iyo jid-gooyo ku hayey deegaanada ay ku sugnaayeen.

Waxa uu shirkaas jaraa’id kaga  dhawaaqay in uu cafis u fidinayo dhallinayarada ka soo baxda Al-Shabaab muddo ku siman 30 cisho.

Maxamed Siciid Atam oo hoggaamin jiray Al-Shababka Galgala ayaa bishii Juun iska dhiibay magalada Muqdisho, isagoona sheegay inuu ka baxay  xarakada Al-Shabaab.

Halkan ka dhageyso  shirkii Jaraa’id ee madaxwaynaha Puntland: