U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Dad Lagu Soo Qabtey Ka Sameeyey Boosaaso

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Puntland ayaa maanta waxay howlgallo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kadib markii amniga magaaladaasi uu faraha ka baxay.

Goob joogayaal ku sugan Boosaaso ayaa u sheegay Goobjoog News, in howlgalkaan uu ka dhacay xaafadaha magaaladaasi, islamarkaana lagu soo qabtey dad ka badan 20 qof.

Dadka howlgalkaan lagu qabtey ayaa lagu xirey xarunta dambi barista Boosaaso, iyadoo saraakiisha amniga ee Boosaaso aaney wax faah faahin ah ka bixin howlgalkaasi.

Shalay gelinkii dambe ayaa rag ku hubeysan Bistoolado waxay bartamaha magaalada Boosaaso ku toogteen Labo kamid ah askarta maamulka Puntland.

Magaalada Boosaaso ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxay martigelineysay dilalka qorsheysan, waxaana horey magaaladaasi loogu diley saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Goobjoog News